Nagu Saabsan

Nagu Saabsan
MACDAN MINERALS & MINING
Muuqaalka Shirkadda
Macdan Minerals and Mining waa shirkad ka ganacsata isla markaana soo saarta macdanta iyadoo diiradda saarta horumarinta kaydka macdanaha heerka sare ah ee ku jira Somaliland iyo gobolkaba. Shirkaddan waxaa ka go'an in ay u qabato hawlaha si bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba mas'uuliyadi ku jirto oo la jaan qaadaya warshadaha habka ugu wanaagsan iyo badbaadada iyo fayoobaanta shaqaalaheeda ayaa udub dhexaad u ah dhaqanka hawlgalka. Macdan Minerals & Mining waxaa ka go'an dhaqamo ganacsi oo badbaado leh oo muddo dheer jira, taasoo qiimo u leh shaqaalaheeda, macaamiisheeda, bulshada deegaanka iyo saamilaydaba.
Aragtida
Inay shirkaduu korto, ahaatana mid jirta mudo dheer, noqotana hormuudka shirkadaha ka ganacsada soo saarista macdanta Somaliland iyo mandaqadaba.
Hawlgalka
Hadafka Macdan Minerals & Mining waa soo saarka macdan tayo sare leh oo loo boggo, kuna shaqeyn doonta anshax wanaagsan, wax soo saarka macdantana u iib geysa aduunka.
Qiimaha Asaasiga ah
Xirfad-yaqaannimo, Daacadnimo, Tixgelinta Macaamiisha, Daah-furnaan, Hufnaan iyo ugu badnaan badbaadada iyo amniga shaqaalaalaha.
...